Skip to content

Faah-faahin: Dagaalkii deegaanka Gal-gala ku dhexmaray Ciidamada Ammaanka Puntland Iyo Kooxda Al-Shabaab!

Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helay Dagaalkii maanta ku dhexmaray deegaanka Gal-gala Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo Kooxda Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya Buurlayda Golis.

Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gal-gala G/sare Maxamed Saleebaan Caabi oo Warbaahinta gudaha la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray Ciidanka Puntland iyo Al-shabaab.

G/sare Maxamed Saleebaan Caabi ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta Puntland ay dagaalka kaga dhaawacmeen laba askari halka Kooxda Al-shabaab ay ka dileen laba kamid ah dagaalyahanadooda.

…..”’ Abaare Salaadii dabadeedii ayey niman khawaarijta ah ee lugooyada Muslimka meel kasta uu joogaba u diyaar garoobay ayaa saaka hoobiyaal soo bilaabay ka bacdiba Ciidamadu foodey isla galeen muddo dhowr Saacadooda ayey socotay Xabadu….”’ayuu yiri

Wuxuu xusay in Kooxda Al-Shabaab ay weerarka kusoo qaadeen Ciidamada Daraawiishta Puntland iyagoo adeegsanaya Hoobiyaal ,wuxuuna intaas ku daray in dagaalku socday muddo Saacado ah .

Galgala (1)

Ciidamada Daraawiishta Puntland /Sawir hore

Sidoo kale ,wuxuu sheegay G/sare Maxamed Saleebaan Caabi in Ciidamada Daraawiishta Puntland weli ku suganyihiin fariisimihii ay horay ka joogeen deegaanka Gal-gala isla markaana ay difaac adag kaga jiraan ,kooxdii soo weerartay ay kala firxadeen.

Isbitaalka weyn ee magaaladda Boosaaso ayaa la gaarsiiyey dhaawaca laba askari oo kamid ah Ciidamada Daraawiishta ee Puntland kuwaas oo kusoo dhaawacmay dagaalka,mid kamid ah Ciidanka ayaa dhaawiciisu yahay qaliin ka dib Xabad fariisatay dhanka Sambada balse kan kale ayaa qaba dhaawac fudud.

Dagaalka ka dhaca deegaanka Gal-gala wey adagtahay sidii Xog rasmi ah looga heli lahaa kamana hadasho Kooxda Al-Shabaab dagaalka balse dhanka Puntland ayaa sheega in marar badan ay ku gacan sareeyaan dagaalka.

Dagaalka ayaa noqonaya kii labaad oo maalmo gudahood deegaanka Gal-gala ku dhexmara Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo Xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka Galgala ee gobolka Bari.