Skip to content

Gaari ay wateen Shaqaalo u dhashay Dalka Turki ah oo goordhaw qarax lala eegtay

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka ka imaanaya Koontaroolka Baar Ismaaciil Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in qarax Miino lala eegtay gaari nuuciisu yahay Qooqan ay wateen Shaqaalo Turki ah.

Goob joogayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ku waramay in gaariga ay la kacday miino wadada dhinaceda lagu aasay xili yy marayay Koontaroolka Baar ismaaciil ee Degmada Afgooye.

inta la xaqiijiyay Darawalkii gaariga waday ayaa dhaawac uu kasoo gaaray Qaraxa Miino waxaana noola xaqiijiyay in Shaqaalaha Turkida oo gaarayay ilaa labo qof in ay ka bad baadeen qaraxaasi xaalkoodana uu caadi yahay.

Ciidamo katirsan Nabad Sugida iyo milatariga ayaa durbo baaritaano ka bilaabay halka uu qaraxu ka dhacay ee Baar Ismaaciil , lamana oga in dad loo soo qab qabtay qaraxaasi goordhaw lala eegtay gaariga ay saarnaayeen Shaqaalaha Turkiga.

Al-Shabaab ayaa marar hore weerar ismiidaamin ah waxa ay ka geesteen Xarumo ay Hay’adaha Turkiga ku leeyihiin Magaalada Muqdisho waxa ayna ku hanjabeen in ay bartilmaameed ka dhigan doonaan Hay’adaha iyo dadka Turkiga u dhashay ee Muqdisho jooga.