Skip to content

Gabar Aroosad ah oo xalay isku dishay Magaalada Muqdisho wax yar un kadib markii la aqal geeyay!!

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa Xalay dhacdo naxtin badan ka dhacday Degada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir kadib markii gabar aroosad aheed wax yar un kadib markii la aqal geeyay ay iska soo tuurtay dabaq dheer.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in gabadha aroosada aheed oo da’deeda lagu qiyaasay 18-ilaa 20-sano jir si qasab ah loogu guuriyay nin oday ah oo isna da’diisa lagu sheegay ilaa 80-sano.

Gabdha ayaana ku qanacsaneen arooskeeda waxaana markii laguri geeyay wax yar un kadib ay iska soo tuurtay dabaq dheer oo la dajiyay , waxaana dhaawac halis ah oo gaaray gabadhaasi loola cararay Isbitaalka Darau Shifaa Halkaas oo ugu dambeyn ku geeriyootay.

Ehelada Gabadha geeriyootay iyo Ninka Odayga ah ee aroosay ayaa aad uga naxay falkan naxtinta badan ee ku kacday gabadha aroosada aheed , waxaana wali arintan aad looga hadal hayaa Degmada xamar weyne oo falkan xalay uu ka dhacay.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunool meelo kala duwan ayaa mararka qaarkood waxa ay ku kacaan falal aad u fool xun ay kasoo minguuriyeen aflaanta ay daawadaan sida Filimaanta Hindiga .