Skip to content

Ganacsata Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi oo gaarsiiyay deeq lacageed dadkii ka barakacey fatahaadii Wabiga Shabeelle ee Jowhar.

Ganacsatada Soomlaaliyeed ee Xaafada Eastleight Nairobo, Kenya ayaa waxay manta gaarsiyeen deeq lageed dadkii ku wax yeeloobay fatahaadahii wabiga Shabeele .

Deeqdan lacageed oo gaaraysa  44 kun oo Dollarka maraykanka ayaa lagu wareejiyay ganacsatada Jawhar si ay ugu gudbiyaan dhibanayaasha fatahaada wabiga Shabeele.

Sidoo kale ganacsatada Jowhar ayaa waxay ka bilaabeen qaybinta caawimadan kaamka Howl wadaag oo ah kaamka ugu way ee Jowhar ku nool yahiin dadkii ka barakacay faahaada wabiga Shabeel.

Qaybo ka mid ah dadki caawimadan la gaarsiiyay ayaa codsaday in gargaar caawimaad oo dagdag  ay lasoo gaaraan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku nool daafahan aduunka.