Skip to content

Guddigii Dawlada u Saartay Baarista Weerarkii Madaxtooyada oo Lagu Wado Inay Warbixin Shaaca Ka Qaadaan:

Storyline:Archive, Science & Tech

Guddigii uu raysal wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed u saaray baaritaanka qaraxii ka dhacay xarunta madaxtooyada Jimcihii hore ayaa lagu wadaa inay warbixintooda si rasmi ah shaaca uga qaadaan taasoo ay ku jiri doonaan arrimo xasaasi ah.

Guddigan waxaa xubno ka ah wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga, waxaana maalintii Khamiistii ay warbixin hordhac ah geeyeen golaha wasiirada, sidaasi waxaa Raxanreeb Online u xaqiijiyey ilo wareed ku dhow xafiiska raysal wasaaraha.

Waxay guddigu sharaxaad hordhac ah ka bixiyeen qaabkii uu weerarka madaxtooyada u dhacay maalinimadii Jimcaha xilli ilaalada madaxtooyada ay ka yareyd intii caadiga ahayd, isla markaana uu jiray dhisme laga waday derbiga dambe ee madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in guddigu ay soo wadaan talabixin tilmaameysa in qaar ka mid ah saraakiisha sare ee amaanka xilka laga qaado, walow aan la ogeyn in soo jeedintaasi ay ku egtahay saraakiisha ciidamada booliska, nabadsugida iyo kuwa hoose iyo in lagu dari doono wasiirka amniga oo beryahan dambe dhaliilaha amniga loo xambaariyey.

Mudo shan maalmood ah oo loo qabtay in guddigan wasiirada ay baaritaankooda ku soo dhameeyaan ayaa ku ekeyd maalinimada Jimcaha ee shalay.

Raxanreeb ayaa ogaatay in raysal wasaare C/weli Sheekh Axmed uu aad u doonayo in la xisaabtanka uu noqdo mid dhab ah balse aanu noqin mid ku kooban warbixin kaliya, kadibna halkaas looga dhaqaaqo.

Si kastaba waxaa la dhwrayaa in guddigan ay keenaan warbixinta baaritaankooda iyo in warbixintaasi loo bandhigo dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo daneynaya inay maqlaan sidii ay ku dhacday in rag hubeysan oo Al Shabaab ka tirsan ay weeraraan xarunta madaxtooyada maalin cad.

Haddii soo jeedinta guddiga ay noqoto in xilka laga qaado saraakiil sare oo dawlada ka mid ah waa markii ugu horreysay oo tallaabo noocaas oo dhacdo dhacday khaladkeeda dad loo ciqaabo ay ku dhaqaaqdo dawlada Soomaaliya oo waayadan dambe aan looga baran xisaabtan noocaas ah.