Skip to content

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka oo lacag ugu deeqay safaaradda Soomaalida ee Kampala[Sawirro]

Guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka oo safar ku tegay dalka Uganda ayaa lacag ugu deeqay xarunta safaaradda Soomaalida ee magaalada Kampala oo ay ka socoto howl dayactir ah.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo ah gudoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka ay kormeereen dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Kampala halkaasi oo Gudoomiyaha iyo wafdigiisa warbixinno ku aadan xaaladda safaaradda kaga dhageysteen mas’uuliyiinta Safaaradda.

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay xarunta Safaaradda ayaa xusay in talaabadan ay ka dambeysay kadib markii Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka uu usoo jeediyey wafdigiisa in tabarucaad dhaqaalle oo jeebkooda ah ay XIldhibaannadu u sameeyaan howsha safaaradda sidii ay usocon laheyd waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in cabashooyinka safaaradda uu u gudbin doono gudiga si loogula xisaabtamo wasaaradda arrimaha Dibadda.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isaguna goobta hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn xusay inuu aad ugu faraxsanyahay sida ay howlwadeennada iyo mas’uuliyiinta safaaradda uga shaqeeyeen isbedelka dhismaha Safaaradda waxaana uu intaa ku daray in lacagtani ay Wafdigiisa uga qeyb qaadanayaan sidii ay u dhumeystirmi lahaayeen howlaha dayactirka iyo dib u dhiska isugu jira ee Safaaradda ka soconaya.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalkan Uganda Mudane C/weli Maxamed oo isna dhankiisa ka hadlay goobta ayaa aad uga mahad celiyey lacagta uu ku wareejiyey Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka waxaana uu xusay in lacagtaasi aysan ee ay ku filantahay howlaha hada ay bilaabeen ee dhismaha iyo dayactirka isugu jira waxaana uu tallaabadan ku mid muujineysa sida Baarlamaanka iyo mas’uuliyiintiisa uga go’antahay iney si hagaagsan u socdaan guud ahaanba howlaha Qaranka.

Dhinaca kale waxaa usoo dhammaaday guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya aqoon karorsigi ay u tageen dalka Uganda gaar ahaana magaalada Kampala,waxaana aqoon korarsigooda usocday muddoo afar maalmod ah,waxaana ufududeysay hay’adda AWEPA.

640x427x736.jpg.pagespeed.ic.WD0oa-xEww

640x427x832.jpg.pagespeed.ic.wzhZBJPHyq

640x427x645.jpg.pagespeed.ic.xXhrAPbJoq

640x427x455.jpg.pagespeed.ic.UxqnjS8KWw

640x427x366.jpg.pagespeed.ic.8mLrnMnHb8

640x427x927.jpg.pagespeed.ic.DC-838z5uu

640x427x279.jpg.pagespeed.ic.7pb_YbtSa-