Skip to content

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan oo Xilkii uu hayay si dadban oo looga qaaday

Storyline:Archive, Science & Tech

Inkastoo aysan wali kasoo bixin Wasaarada Arimaha Gudaha Wareegto Xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa hadana waxaa soo baxaya in si farsameesan oo hordhac ah xilka looga qaaday Tarsan.

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan waxa uu u magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada inkastoo Tarsan uu durba iska diiday xilkaasi kuna dhawaaqay in uusan rabin .

Dad badan ayaa aaminsan in Magacaabista Tarsan ee Wasiir kuxigeenka in ay tahay mid si hordhac ah oo looga qaaday Xilka uu hayo iyadoona Dowlada ay dooneyso in Tarsan lagu qanciyo in Wasiir kuxigeen u dalaco.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa rajo xumo ka muujiyay in uu sii hayo Xilka uu hada hayo Maadama isaga oon lagala tashan Wasiir kuxigeen loo Magacaaby taasina ay u muujisay in xilka uu hayo la doonayo in laga qaado dhawaan.

Tarsan ayaa lasoo sheegayaain si rasmi ah Xilka looga qaadi doono marka Xukuumada dhawaan lasoo dhisay ay hesho Codka Kalsoonida Baarlamaanka ,iyadoona marar kala duwan oo hore ay soo baxayeen warar sheegaya in xilka laga qaadi doono Gudoomiye Tarsan oo kasoo haray Xertii Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.