Skip to content

Hadal Heynta Liiska Golaha Wasiirada Cusub Iyo Qabiiladooda oo si weyn looga dareemayo Magaalada Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Iyadoo aan wali laga kabsan qaran dunkii uu inoo keenay qabiilka ayaa wali waxaad moodaa in si aad ah wali xiiso wayn loogu qabo in wali Qabiilka la qadariyo oo qolo qolo la isku aruursado.

Ma moodayo inuu jiro qof moog in Soomaalida ay Qabiilku isku qadariyaan oo ay wali qalbiyadoodda ka go,in.

Qormadan waxaa igu kalifay inaan qalinka u qaato ka dib markii aan arkay bulshadeena Soomaaliyeed in ay wali qabiilka ku qufulan yahay, oo aad arkayso in qabiil qadarin heer ay ka gaareen maqaayadihii shaaha laga cabayay in qofwaliba tii qabiilkiisa uu ka qadeyo oo uu ka qahweeyo oo qolo la qabiil ah la qaraaxaysta, qarashkana mel kale u quurin.

Habeenkii la magacaabay wasiiradda waxa ay ahayd xili danbe waagii marka uu baryay maalintaas waxa ay ahayd jimce, maalmaha Jimcaha ahna inta badan waa la nastaa goobaha fadhi ku dirirka ahna waa ku yar yihiin dadka fariista.

Subixii kale oo sabtida ayaa waxaa dhacday in wargaysyada ku daabacan afka Soomaaliga oo maalintaas intoodda badan soo daabacay Wasiiradda la magavcaabay & Qabiilkoodda ayaa waxaa jirtay in saf loo gallay oo ay ka sare mareen xitaa qiimahii la gaddi jiray.

Waxaa iigu darnayd oo aan ishaydu saaray nin isaga dhagta uun ka maqlay in wargayska lagu soo daabacay wasiiradii la magaacabay & qabiilkooda oo aan aqoon aqriska farta Soomaaliga oo iibsaday ka dibna aniga oo meel gees ah taagan oo la yaaban sida Soomaalida Qabiilka ugu hamuun qabaan ayuu ila soo aaaday oo igu yiri “nin yahoow iiga Baar qabiil hebel in wasiir loo magacaabay, koley waan hubaa inaan ku qadaynine, ayaanntan dhan ayaan madaxtooyada ku wareegaynay anagoo dhan si wasiiradu la inaga weecine ama agaasimnee ee ii aqri qeeyr allaah ku siiyee ”.

Si aad ah ayaan ulla yaabay hadalkaas waxaana la sii yaabay sida uu u dhiiran yahay oo qabiilka uu u qadarinayo isagoo intaas jiro, dhab ahaantii kama xishoodaan oo waxaad arkaysaa maalinba maalionta ka danbaysa in loo sii hamuun qabo.

Qabiilku waa wax Soomaalidda si wayn u qadariso oo aan ka xsihoon, waxaan ka tagi karin Qiso Cajiib ah oo aan la kulmay oo ku saabsan isla qabiilka oo Soomaalidu Qalbiga ugu qoran yahay,

-MAALIN JIMCO AHA AYAAN MASAAJID QUDBO KU DUKADAY, MASAAJIDKAAS WAXA
UU KU YAALLAY XAAFAD AAN MAALINTAAS MAALIN JOOG U TAGAY, WAXAA JIRAY
NIN SHEEKH AH OO QUDBADDA KA AQRINAYAY, OO QULUUBTA DADKII KU JIRAY
MASAAJID SI AAD AH U QABOOJIYAY OO QUDBO MACAAN KA AQRIYAY WALIBA SI
WAYN LOOGU RIYAAQAY, WAXAA IGU DARNAYD OO AAN SI AAD AH ULLA YAABA
MARKII AAN KA SOO BAXNAY MASAAJIDKA OO LABA LABA LA ISUGU ISTAAGAY OO
LA IS WAYDIIYAY QUDBADA SIDA AY U MACAANEYD, LAAKIIN MIDA IGU DARNAYD
WAXA AY AHAYD MARKII NIN KA MID AHAA JAMEECADA YIRI “WARNINKAN SIDAN
MAANTA QALBIGA NOOGU QABOOJIYAY YUU U DHASHAY OO QABIILKIISA YAA
GARANAYA”

Hadaba hadii sidaa xaalku yahay oo maalinkasta qabiilka xiiso gaar ah loo qabo qarankii ma qabiilkaa lagu qotominayaa waa su aal aan is waydiiyo markasta jeclahayna inaan ulla share gareeyo oo aan la waddaago asxaab badan oo aan hubo in ay qabaan fakar kayga oo kale ah in ay iiga soo jawaabaan.