Skip to content

Hawlgalada Lagula Dagaalamayo Kooxaha Isbaarooyinka Dhigta oo Sii Socda Maalintii Labaad

Storyline:Archive, Science & Tech

Ciidamada nabadsugida dawlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maalintii labaad sii wada hawlgalo ballaaran oo ka dhan kooxo hubeysan oo isbaarooyin dhigtay wadada u baxda gobolka Shabeelaha Hoose.

Hawlgaladan oo shalay bilawday waxay maanta ku fideen deegaano ku teedsan wadada Afgooye illaa deegaanka Shalanbood, iyadoo dhinaca kalana ay ciidamadu u dhaqaaqeen wadada tagta degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay.

Inkastoo shalay ay ciidamada qabqabteen kooxo dharka ciidamada ku lebisan oo isbaarooyinka ay u yaalleen ayaa maanta waxaan jirin cid ay qabteen ciidamada.

Guddoomiyaasha degmooyinka Lafoole iyo Afgooye ayaa sheegay in hawlgalada maanta ay ahaayeen kormeer lagu xaqiijinayo nabadgelyada waddada maadaama shalay la qabqabtay kooxihii isbaarooyinka dhigtay.

Taliska ciidamada militariga iyo booliska ayaa war ay maanta saxaafada wadajir ugu qabteen waxay ku shaaciyeen in la toogan doono askari kasta oo isagoo hubeysan lagu arko isbaaro xitaa hadduu uu ka tirsan ciidanka dawlada.

Dhinaca kale wadayaasha gaadiidka taga degmada Afgooye iyo dadweyne saaka ku safray wadada ayaa soo sheegaya in saaka ay nabadgelyo ku marayeen wadada dheer, isla markaana aysan jirin wax isbaaro ah oo jidka illaa Afgooye yaalla.

Dadka ayaa sheegaya inay rajeynayaan in qiimaha gaadiidka lagu raaco iyo sicirka khudaartaba ay hoos u dhici doonaan maalmaha soo socda mar haddii isbaarooyinkii lacagaha badan looga qaadan jiray gaadiidka la burburiyey.