Skip to content

Hogaamiyaha Daalibaanka Nayjeeriya oo dhaar soo diray & Gabar Aamina la yiraah oo ka soo fakatay

Storyline:Archive, Science & Tech

Wadamada Caalamka ugu awooda badan ayaa dowlada Nayjeeriya u balan qaaday inay la shaqeen doonaan kana caawin doonaan qaabkii lagu soo heli lahaa ku dhawaad 300 oo Gabdho Iskuuleey ah oo ay afduubteen maleeshiyaadka ururka Boko Haram oo dalkaas ka dagaalama. 

Gabdhaha la af duubtay oo Muslimiin u badan waxeey kooxdaan dab qabadsiiyeen Iskuulkii wax lagu barayay kuwaas oo iminka lacag madax furasho ah ku doonaya caruurtii ay af duubteen . Gabar yar oo Aamina lagu magacaabo kana soo fakatay maleeshiyaadka ururka Boko Haram ayaa saxaafada uga sheekeeysay qaabkii ay wax u dhaceen .

Gabadhaan ayaa sheegtay inay jiifeen xiligii uu weerarka dhacay ayna u qaateen maleeshiyaadkaan ciidamada Dowlada maadaama ay soo xirteen dharka Milatariga dalka Nayjeeriya. Hogaamiyaha ururka Boko Haram Abuubakar Shekau ayaa iminka muuqaal soo diray wuxuuna dalbaday lacag madax furasho ah kaas oo dagaal cusub ku hanjabay.