Skip to content

Hogaamiye Sheekh Xasan Yacquub oo Fariin Xasaasi ah u diray Shacabka ku dhaqan Gobolka Galgaduud

Storyline:Archive, Science & Tech

Ururka Al-Shabaab ayaa shacabka ku nool Gobalka Galgaduud, waxa ay ka dalbadeen inay udiyaargaroobaan dagaal kadhan ah ciidamada Ethiopia ee ku biiray howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu shacabka Gobalkaasi ugu baaqay inay Shabaab ka garabsiiyaan la dagaalanka ciidamada Ethiopia ee hada qeybo kamid ah Galgaduud ku sugan.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in laga rabo shacabka ku sugan Galgaduud meesha ay kasoo bilaabato iyo meesha ay ku dhamaato inay muujiyaan taageerada dhanka dagaalka ah ee ay uhayaan Shabaab, si buu yiri ciidanka Ethiopia looga guuleysto.

Ciidamada Ethiopia ayaa ku sugan Gobalka Galgaduud, gaar ahaan deeganada Ahlusuna ay ka taliso, oo waayahan ay si aad ah usoo galayeen, iyagoo dhaq-dhaqaaq ciidan wadaan.

Al-Shabaab waxa ay horay usheegeen inaysan wax udhimi doonin, ciidamada Ethiopia ee howlgalka AMISOM kamid noqday, iyaga oo tilmaamay in si adag ay ula dagaalami doonaan ciidamadaaasi.