Skip to content

IGAD Oo Sheegtay inay Sii Xoojineyso Taageerada Dawladda Somaliya

Storyline:Archive, Science & Tech

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey.Igad
Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha dhambaal tacsi ah oo uu ka siday urur goboleedka IGAD, kaas oo ku aadan falkii fulaynimada ahaa ee lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda, waxaana uu caddeeyey in ururka IGAD uu sii wadi doono taageerada looga qeyb qaadanayo xasilinta iyo dib u dhiska dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa uga mahadceliyay urur goboleedka IGAD taageerada joogtada ah, waxaana uu yiri: “Waxaan caddeeynayaa in Xukuumaddu ay ka go’antahay xasilinta dalka iyo ka hortaga kooxaha nabadiidka ah ee halista ku ah amniga shucuubta Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka.”
Danjire Affey ayaa isna yiri “Waxaan ugu baaqayaa beesha caalamku inay si dhab ah u garab istaagaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo helo xasilooni buuxda iyo deganaansho.”