Skip to content

Kenya: Mareeykanka ayaa haysta meydadka dhamaan kooxihii Westgate weeraray

Storyline:Science & Tech, World

Madaxa Ciidamada difaaca Kenya, Julius Karangi , oo la hadlayay warbaahinta, ayaa sheegay in Doowlada Mareeykanka ay Gacanta ku hayso meydadka dhamaan kooxihii weeraray Xaruunta Westgate Mall Shopping.

Karangi,ayaa ku sharaxayay jawaabtii uu ciidankiisu ka bixiyay weerarka shir ay qabanqaabisay golaha warbaahinta oo dib loogu eegayo habkii wax looga qoray ama looga hadlay dhacdadaas.

Julius Karangi, ayaa sheegay in FBI-da Mareeykanka ay haysato dhamaan Meeydadka kooxihii weeraray Wetgate Mall, balse ma uusan carabaabin halka ay ku hayso.

“Kadib markii dhacdadani ay dhacday Sabtidii, ayaan wax walba waxaan soo gabagabaynay subaxii Isniinta,” Karangi ayaa dadkii dhagaysanay sidaas ugu sheegay hoteel Nairobi ku yaala.

Weerarka lugu qaaday dhismahaan waxaa ku dhintay 67-qof,waxaana mas’uuliydiisana sheegatay kooxda ka dagaallanta Soomaaliya Al Shabaab,waxaana xilligaa ay sheegen in weerarkaan ay  fuliyeen dagaalyahanno aad u tababaran waxayna Kenya uga digeen inay ciiddamadooda kala baxaan Koonfurta Soomaaliya.