Skip to content

Khilaaf iyo is ugaarsi ka dhax bilowday Al-Qaacidada Siiriya iyo Abu Mohamed Al Golani oo Hanjabaad soo diray

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa xargaha goostay Khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay Ururo Islaamiyiin ah oo ka dagaalama Dalka Siiriya, kuwaa oo hoos taga urur weynaha Al-Qaacida uu Hogaamiyo Dr Ayman Al-Dawahiri.

Khilaafka ayaa u dhaxeeya Labada Kooxood ee Jabhatul Nusra oo kamid ah Al Qacida kana dagaalanta dalka Siiriya iyo Kooxda ISIL oo fadhigeedu yahay dalka Ciraaq oo iyaguna Dagaalyahano ka joogaan Dalka Siiriya.

Jabhatul Nusra oo ah koox awood badan ku leh Dalka Siiriya ayaa ku eedeesay Kooxda ISIL ee fadhigooda yahay Dalka Ciraaq in ay geestaan falal aad u fool xun sida in ay qarxiyaan goobo ay dad shacab ah ay joogaan.

Hogaamiyaha Jabhatul Nusra Abu Mohamed Al Golani ayaa ugu Hanjabay Kooxda ISIL in ay xoog uga saarayaan Dalka Siiriya iyo Waliba dalka Ciraaq , hadii kale ay aqbalaan mudo Shan maalin gudahood Wadahadal iyo Heshiis.

Wakiilkii Hogaamiyaha Al Qacida Ayman Al Sawahiri u joogay dalka Siiriya Ninka lagu magacaabi jiray Abu Khalid Al Suri ayaa lagu dilay Weerar u muuqday mid qorsheesan oo maalmo kahor ka dhacay Magaalada Aleppo.

Abu Khalid Al Suri waxaa lagu dilay Weerar Ismiidaamin ah ay fuliyeen labo nin oo la sheegay in ay katirsanaayeen Kooxda ISIL , weerarkan ayaana sii xoojiyay Khilaafka xoogan ee ka dhax aloosan labada kooxood ee Jabhatul Nusra iyo ISIL.