Skip to content

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama oo ka dhawaajiyay Hadalo waayadanba laga dhoorayay

Storyline:Science & Tech, World

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ku amray in la xakameeyo howlaha basaasnimada ay sameeyaan Hay’addaha Sirdoonka Mareykanka taas oo walaac laga muujiyay.

Isagoo jeedinayay khudbad mudo la sugayay ayuu sheegay in uu qaaday talaabooyin aan hore looga baran oo lagu ilaalinaayo nolosha caadiga ah ee dadka ku nool gudaha iyo dibadda ee reer Mareykan.

Wuxuu intaas ku daray in aysan basaasaynin dadka ama saaxiibada ay xulufada yihiin mar haddii aysan khatar ku ahayn amnigooda.

Obama ayaa tilmaamay xogahas ay ahaayeen kuwa looga hortagayay weeraro ka dhaca gudaha iyo dibadda Maraykanka.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay xilli caalamka uu gilgilay talaabooyin ay qaadeen Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka oo ay ku dhageysteen telefoonada qaar kamid ah madaxda caalamka.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel oo kamid ahayd madaxdii telefoonkeeda la dhageystay ayaa war kooban kasoo baxay Xafiiskeeda lagu sheegay in ay soo dhoweynayso talaabadan uu ku dhawaaqay Mr Obama.

Ninkii bixiyey sirtaan oo daboolka ka qaaday howlaha Basaasnimada Hay’addaha Sirdoonka ee Maraykanka Edward Snowden ayaa iminka ku nool dalka Ruushka kadib markii uu u baxsaday. Maraykanka ayaa doonaaya in lagu soo wareejiyo.