Skip to content

Madaxweynaha Puntland oo guddi baara u saaray dilkii labadii sargal ee ka tirsana hay’adda UNODC

Storyline:Archive, Science & Tech

Puntland ayaa wali ku guda jirta baaritaan la xiriira sidii ay u dhacday taagosho lugu dilay labo sargaal oo ka tirsana hay’adda UNODC,dilkaaso oo uu gestay askari ka tirsan ilaalada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo u falka ka dhacay.

Madaxweynaha Puntland Cabduwali Maxamed Cali Gaas oo saxaafadda maanta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in guddi ay u saaren dhacdadaan,waxaana guddiga uu soo turxan bixin doonna sida uu falkan dilka ah u gestay askariga ka tirsan ilaalada garoonaka diyaaradaha Gaalkacyo.

C/weli Gaas ayaa sheegay in la xiray ninkii dilka gteystay iyo ninkii lahaa qoriga lagu dilay labadan sarkaal, ayna baaritaan ku sameynayaan sababta keentay in saraakiishan lagu dilo magaalada Gaalkacyo,isagoona markale ku celiyey inuu ka xun yahay dilka.

Guddiga xilligaan uu madaxweyne Cabduwali ku dhawaaqay,waxaa ka mid ah wasiirka Amniga Puntland,Wasiirka waxbarshada,taliyaha Ciidanka Booliska Puntland iyo taliyaha Ciidamada PIS-ta.

Xilligaan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo,waxaa ka soconaya shir ay wada qaadanayan madaxwrynaha Puntland iyo saraakil ka socota Qaramada Midoobay gaar ahaana madax ka tirsan hay’adda UNODC oo ay ka tirsanaayen ragga la dilay.

Sidoo kale goor dhow ayaa lugu wada in Gaalkacyo laga duuliyo meydka labada sargaal ee shalay la dilay,kuwaa soo mid ka mid ah uu u dhashay Birtain, halka kan kalena uu ahaa Canadian.