Skip to content

Madaxweynaha Soomaaliya oo awood dheeraad ah siiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab

Storyline:Archive, Science & Tech

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab ,) in ay hoos tagayaan Talisyada Ciidamada Nabad Sugida iyo Booliiska Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorshaha Talisyada Ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugida uu yahay mid iska cad , waxa uuna xusay in ay hoos tagi doonaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Jen Muungaab.

‘’ Talisyada Booliiska iyo Nabad Sugida waxa ay hoos tagayaan Gudoomiyaha Gobolka , waxaa laga rabaa Maamulka Gobolka in ay ka shaqeeyaan isku xirnaanta shacabka iyo Ciidanka , waxii howlgalo ah iyo waxii ciidanka looga baahan yahay waxa ay hoostagaan Maamulka Gobolka ‘’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hada kadib masuuliyada amaanka in lagala xisaabtani doono Gudoomiyaasha Gobolada Dalka, waxa uuna shaaciyay in Gobol kasta Gudoomiyaheeda In ay hoos tagi doonaan talisyada Booliisaiyo Nabad Sugida.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Jen. Muungaab ayaa noqonaya gudoomiyhihii ugu horeeyay ee Gobolka Banaadir ay hoostagaan Talisyada Ciidanka Booliiska iyo Nabad Sugida tan iyo waxii ka dambeeyay bur burkii dowladii dhaxe ee Dalka.