Skip to content

madaxweynaha soomaalya oo baaq nabadeed udiray xoogaga Al-shabaab.

Storyline:Archive, Science & Tech

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ugu baaqay Dagaalyahanada Hubeesan ee katirsan AL-Shabaab ee Dagaalka kala soo horjeeda Dowladiisa in ay hubka dhigaan nabadana qaataan .

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladiisa soo dhaweeneyso dhalinta Al-Shabaab u dagaalanta ee kasoo baxda Fikirka kooxdaasi , waxa uuna u balan qaaday in Dowlada ay gacan siin doonto dhalinyarada ka baxda Xarakada Al-Shabaab.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Dagaalyahanada ajaaaniibta ah ee AL-Shabaab ka bar bar dagaalanta in ay dalka isaga baxaan dibna ugu noqdaan wadamadii ay markii hore ka yimaadeen.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ajaaniibta AL-Shabaab ka bar bar dagaalanta in aan marnaba la cafin doonin waxa uuna u sheegay in ay haboon tahay in ay Dalka isaga baxaan .

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanay xiili Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM maamilhii lasoo dhaafay guulo ka gaareen Dagaalo ay AL-Shabaab la galeen kuna qabsadeen Degmooyin iyo deegaano dhoor ah oo horey gacanta ugu jiray Al-Shabaab.