Skip to content

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay fikirkiisa ku aadan Soomaalida Islii oo ay ku tumanayaan ciidamada kukuyda!!!

Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa farrin u diray shacabka dhibaatadu haysato ee ku nool xaafadda Islii,waxuuna u sheegay inay iska soo dhexsaaran Al-shabaabka ku dhex dhuumanaya.

…”””Waa inad iska soo dhex sartaan kuwa idin ku dhex dhuumanaya ee nabadda diidan,dowladda wax-walba oo kalan keeda ah way u qabanaysa muwaadininteda,balse waa muhiim idinkuna inad noqotan kuwa nabadda ka shaqeeya,…””‘yuu yiri madaxweynaha Xassan.

Madaxweynah Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,waxaa uu si guud ugu baaqay shacabka Soomaaliyed inay noqdaan kuwo nabadda usoo jesta isla markana dalkooda ka shaqeeya sidii ay nabad uga dhalan lahayd.

…””Waa in dalkeena nabad an ka dhigna,meel kasta oo an jogno markaasey nabad noqon,Soomaalidu dalkooda ha u soo jestan oo nabadiisa iyo xasiloonidisa ha ka shaqeeyan,markaasey mel walba nabad idin noqon,…””‘ayuu ku daray madaxweynaha hadalkiisa.

Sidoo kale madaxweynaha,waxaa uu ku dhaliilay waxgaradka iyo siyaasiyinta Soomaalida inay yihiin kuwa danaha umadda ka hormariya danta qabiil.

“Qofkii ad is tirahdiid wuu dhisan yahay oo waa midka dalka wax kabadali kara,markaad qabiilkiisa taabatid,walaahi wuu xumaanaya,looma bahna taas runti muhiimada waxaan siina qabiilka ee danta dalkeena iyo umaddena an usoo jeesano,…”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa kalo uu madaxweynaha markale uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka lugula jiro Al-shabaab,isagoona inta ku daray in loo bahanyahay sidii meel looga istaagi laha Al-shabaab.

Hadalka madaxweynaha waxaa uu ku soo aadaya xilli In ka badan 3,000 oo Soomaali ah  lagu qab-qabtay howlgallada ka socda xaafadda Islii ee Nairobi,kuwaasp qarkood  lagu hayo garoonka kubbadda cagta ee Kasarani ee magaalada Nairobi.