Skip to content

Madaxweynihii hore ee Somalia oo sheegay in xiligan aan loo baahneyn in Ciidamada Itoobiya ku biiraan AMISOM

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay kubiiritaanka Ciidamada Dowlada Itoobiya dhawaan lagu biiriyay Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM .

Dr Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaana sheegay in aan xiligan loo baahneyn in Ciidamada Itoobiya ku biiraan Howlgalka AMISOM waxa uuna tilmaamay in gacmo shisheeye ay ka dambeeyeen arintaasi.

Madaxweynihii hore ayaa Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay diidan yihiin in la tayeeyo Ciidanka Soomaaliya taa badalkeedana ayna mar walbo doonayaan in Ciidamo shisheeye Dalka kusoo kordhiyaan.

Cabdi Qaasim Salaad ayaa dhanka kale Dagaalyahanada Al-Shabaab ugu baaqay in ay joojiyaan Dagaalka ay wali wadaan , waxa uuna tilmaamay in xiligan aan loo baahneyn sii socoshada colaad dhiig ku daato.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili Isbuucii lasoo dhaafay Ciidamada Itoobiya ay kamid noqdeen Howlgalka AMISOM loona xil saaray in ay ka howl galaan Gobolada Baay iyo Bakool.