Skip to content

Mas’uulkii ugu sarreeyey hay’adda NRO oo Gaalkacyo lugu dilay

Storyline:Archive, Science & Tech

Magaalada Gaalkacyo waxaa xilli dhow oo caawa ah kooxo hubaysan ay ku dileen sargalkii ugu sareeyey haya’adda maxaliga ah ee lugu magacaabo NRO.

Kooxo hubaysan oo ilaa hadda an la xaqiijin waxaa ay ahaayeen ayaa mas’uulkan ku dilay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaana inta u dhaxeysa Hotel Cagaarwayne & Warshad Galay,sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Dad goobta ka dhawaa oo Raxanreeb Online,la hadlayey waxaa ay sheegeen inay baxsadeen kooxdi dilka geesaray.

Sargaalka dableyda hubaysan ay toogatay waxaa lugu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Aadan ,waxaana uu ku magac dheerra Cabdi dheere.

Allaha unaxariste marxuun Cabdi,waxaa uu ahaa madaxa ugu sareeya ee hay’adda maxaliga ah oo iyadu ka shaqeyn jirtay guddaha magaalada Gaalkacyo ee NRO,waxaana hay’adda ay ka shaqeyn jirtay arrimaha bini’aadantinimada.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin madaxda ammaanka ee gobolka Mudug.