Skip to content

Mid kamid ah Shaqaalaha Idaacada Dalsan oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Kooxo Bistoolado ku hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa shalay galinkii dambe waxa ay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ku dileen mid kamid ah Shaqaalaha Idaacada Madaxa Banaan ee Dalsan Radio.

Marxuunka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Cumar Maxamed (Camaar) waxa uuna ka tirsanaa Waaxda suuq geynta ee Radio Dalsan , Kooxaha Hubeesan ayaaana marxuuka qeybo kamid ah jirkiisa kaga dhuftay ilaa 6-xabadood .

Goob joogayaal kusugnaa halkii uu Dilku ka dhacay ayaa sheegay in Dilka ka dambeeyeen kooxo bistoolado ku hubeesan oo durba goobta ka baxsaday markii ay xaqiijisteen in ay dileen Maxamed Camaar oo katirsanaa Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho.

Qeybaha Warbaahinta Madaxa banaaan ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa si kulul u canbaareeyay dilkan loo geestay Maxamed Camaar oo katirsanaa Idaacada Dalsan , sidoo kale xubin ka ahaa ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed.