Skip to content

Prof. Jawaari:Xildhibaanada xafiisyo ha ka furtaan deegaannada ay ka soo jeedan

Guddoomiyaha baarlmaanka dowladda faderaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), ayaa baarlmaanka Soomaaliya usoo jeediyey in xildhibaan kasta uu saldhig ka dhigto xafiisna ka furto deegaannada laga soo durtay ama uu ka soo jeedo.
Jawaari waxaa soo hadal inay xaq u lee yihiin dadka ay matalaan Xildhibaanada Baarlamaanka, inay helaan meelo ay kala soo xiriiri karaan, xogtooduna ay ka helaan,waxaana uu inta ku daray guddoomiyaha baarlmaanka in xildhibaanada Baarlamaanka uu ugu yeeray in ay suurta geliyaan, sidii ay Xarumo/Xafiisyo kaga hirgelin lahaayeen dhamaan deegaanada, ay ka soo kala jeedaan.
Guddoomiyaha ayaa xusay inaanay dowladdu joogin dhamaan Degmooyinka iyo deegaanada dalka, isla-markaana aynaan dowladdu culeys ku saari doonin, sidii ay goobahaasi u taggi laheyd. Laakiin ay iyagu u bilaabi doonaan, sida uu yiri.
Kahor dabaqayaada sanadka 2014 ayuu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya inay doonayaan in Muqdisho lagu qabto shirweyne qaran oo dib u eegis loogu sameynayo Dastuurka federaalka Soomaaliya.
Baarlamaanka ayuu usheegay inaaney wanaagsaneyn in xukuumadda lagu canaanto in goballada dalka ay gaarto, balse marka hore la rabo in Baarlamanaka uu uhorseedo tagitaanka goballadaasi.
Xildhibaanada, ayaa waxaa toddobaadyada soo socda la filayaa in ay galaan waqtigii nasashada (Fasaxa), iyadoo ay qaarkood dib ugu guryo noqon doonaan deegaanada ay ka soo kala jeedaan.