Skip to content

Nicholas Kay oo Ka Hadlay Shirarka maamul dhisidda ku saabsan ee ka socda Magaalada Baydhabo

Storyline:Archive, Science & Tech

Ergayga-Gaarka ah ee Xoghayah-Guud ee Qaramadda Middoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa si hoose ula socda arrimaha ka dhacaya Baydhabo,arrimahaasi oo ay ku jiraan natiijada shalay ka soo baxday Shirka Baydhabo.

Nicholas Kay ayaa sheegay inuu arkay mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ku aadan shirkaasi.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyadda ay arrintan khusayso in ay si weyn taxadir uga muujiyaan ficil kasta oo wax u dhimi kara Nabadda “ ayuu yiri Ergayga Gaarka ah Kay. “

“ Sanaddan, waxaa aad muhiim u ah siddii lagu heli lahaa Soomaaliya oo mid ah uuna ka hirgalay Nidaamka Federaalka,dalka waxaa uu xal u helay caqabado fara badan oo dhawaan dhacay isaga oo adeegsanaya habka wada hadalka iyo isu tanaasulka ku dhisan”

“ Waxaan ku dhiiri gelinayaa oday dhaqameedyada,siyaasiyiinta, iyo dhammaan dadka ay arrintan khuseyso in ay si dhab ah u wadaan habka wada hadalka siyaasadeed ku dhisan ee loo wada dhanyahay kuna qotoma xurmeeynta dastuurka ku-meelgaarka ah, iyo heshiisyadda jiraba,qaramadda Middobay waxay sii wadi doontaa taageeridda ay u hayso dadaaladda ay sii waddo dowladda Federaalaka ah ee Soomaaliyeed, kuna aadan dib u heshiisiinta”. Ayuu ku daray Ergayga gaarka ah.

“ Xaaladda ka jirta Baydhabo waxay aad u ifisay baahidda deg-dega ah ee loo qabo in dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay dedejiso shaqadeedda ku aadan habka dowlad-dhisidda Soomaaliya, waana in uu noqdaa hab loo wadda dhanyahy, oo ay ku jirto in la dhigo qorsho howleed tifa-tiran, hadana wakhtiyaysan, kuna aadan sameynta dowlad Goboleedyadda,dhamaystirka dastuurka iyo Dimoqoraadiyeynta dalka marka la gaaro sanadda 2016” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah.

Ergayga Gaarka ah waxa uu sii wadi doonaa arrimahan muhiimka ah,isaga oo la kaashan doona saxiibadda Caalamka ama Jaalayaasha caalamka sida AMISOM, IGAD iyo E