Skip to content

Prof Cabdi Wali Gaas oo Hal Shuruud ku xiray Xiriir dhexmara maamulkiisa iyo dowlada Soomaaliya

Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Puntiland Prof Cabdi Wali Gaas ayaa markii ugu horeesay waxa uu shuruud ku xiray in uu dib usoo laabto xariirkii wada shaqeyn ee ka dhaxeeyay Dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntiland.

Cabdi Wali Gaas oo ka hadlay Munaasabad lagu caleemo saarayay oo ka dhacday Magaalada Garawe ayaa sheegay in xiriir wada shaqeyneed oo mustaqbalka dhexmara dowlada Somalia iyo maamulkiisa ay ku xiran tahay sida dowladu u dhaqan geliso dastuurka dalka u yaala.

” Maamulka aan Madaxweynha ka ahay ee Puntiland waxa uu mar walbo diyaar u yahay la shaqeynta Dowlada Federaalka Soomaaliya , waxaana Dowlada looga baahan yahay dhankeeda dhaqan galinta Dastuurka Dalka ,ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah ugu hambalyeeyay Madaweynaha Puntiland ee dhawaan la doortay , waxa ayna madaxda Qaranka rajo wanaagsan ka muujiyeen in uu dib usoo laabto xiriirkii wada shaqeyn ee labada dhinac ka dhaxeesay.

Hadalka Gaas ayaa imaanaya xili Madaxweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole uu shaaciyay in Maamulka Puntiland ay gabi ahaan jartay xariirkii kala dhaxeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya.