Skip to content

Rabshado ka aloosan mid kamid ah Dalalka Afrika oo heerka Cadaawadu gaartay in dadku is cunaan isna gubaan.

Storyline:Science & Tech, World

Rabshadaha Diinta ku saleesan ee kataagan Dalka Afrikada Dhaxe ayaa gaaray meeshii ugu xumeed iyadoona lasoo warinayo in Dadka Muslimiinta iyo kuwa Krishtaanka ah in cadaawadooda ay gaartay meel aad u xun.

Dagaalka dinta ku saleesan ee u Dhaxeeya Muslimiinta iyo Gaalada Dalka Afrikada Dhaxe ayaa kasii daraya maalinbo maalinta ka dambeysa , waxaana Wariyaal dalka Afrika Dhaxe gaaray soo tabinayaan dhacdooyin naxtin badan.

Wariye katirsan BBC-da oo tagay Dalka Afrika Dhaxe ayaa soo tabiyay dhacdo xanuun badan oo la xariirta Colaada u dhaxeysa Muslimiinta iyo Kirishtaanka Dalkaasi waxa uuna Tilmaamay in Wariyaha in Kooxo Krishtaan ah ay gaari kala dageen Nin Muslim ah kadibna sixun u dileen.

Wariyaha ayaa intaa ku daray in Ninka Muslimka ah ay dileen Kooxaha Krishtaanka ah ay dilkiisa u adeegsadeen Midiyo ay wateen kadibna Hilbihiisa qaar kamid ah Cuneen halka inta hartayna ay dab qabadsiiyeen.

Nin Magaciisa lagu Sheegay Mad Dog “Eygii Waalnaa” oo kamid ahaa Kooxihii Cunay Hilibka Ninkan Muslinka ah ayaa sheegay in sidaasi uu u yaalay Cadaawad uu u qabo Muslimiinta Dalkaasi falkaana uu u sameeyay aar goosi.

Rabshadaha Diimaha ku saleesan ee ka socda Dalka Afrika Dhaxe ayaa faraha kasii baxay kadib markii dhawaan uu is casilay Madaxweynihii ugu horeeyay oo Muslim ah Michel Djotodia, Djotodia oo talada Dalkaasi la wareegay Bishii March ee sanadkii hore.