Skip to content

Ra’iisul Wasaare Cabdi weli :“Waxaan hambalyo diiran halkan uga dirayaa madaxweynaha cusub ee Puntland..”

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee la doortay ee dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay doorashadan mid taariikhi ah, una dhacday si hufan oo Dimuqraadi ah, waxa uuna si gaar ah hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub Dr. Cabdiweli Gaas, isaga oo alle uga rajeeyey inuu xilkan culus la garab galo.
“Waxaan hambalyo diiran halkan uga dirayaa madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Cali Gaas maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Garoowe ee Puntland oo ah saaxiib aan aad u garanayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay inuu ku ammaanayo Cabdiweli Gaas howshii uu horay uga soo qabtay dalka xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa dawladdii KMG aheyd.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku ammaanay madaxweynihii hore Puntland Dr. C/raxmaan Faroole kaalintii uu ku lahaa hirgelinta doorashooyinka iyo xasiloonida, iyo sida uu u aqbalay natiijada codeynta Baarlamaanka oo ah mid muujinaysa mas’uuliyad.
“Waxay aheyd doorasho mugleh oo muujisay biseylka ay Puntland horay ugu talaabsatay dhanka Dimuqraadiyadda, waxayna ku dhacday jawi aad u heer sareeya oo dadka Soomaalidu u riyaaqeen, waxayna muujineysaa in ay dalka ka dhici karaan doorashooyin xor ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo balan qaaday in xukuumadiisu ay la yeelan doonto xiriir dhow iyo wada shaqeyn madaxweynaha cusub ee Puntland, isla markaana ay si buuxda u garab istaagi doonaan.