Skip to content

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay dhac Nuuca Cusub ah oo kusoo kordhay Suuqa Bakaaraha

Storyline:Archive, Science & Tech

Ra’izul Waaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa ka hadlay amaan darada maalmahan kusoo korortay Magaalada Muqdisho ,waxa uuna balan qaaday in Dowladu wax badan ka qaban doonto falalka amaan daro ee soo kordhay.

Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa sheegay in Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee kusoo kordheen falaal amaan daro ah iyo dhac nuuc cusub ah , waxa uuna intaa raaciyay Ra’izul Wasaaraha in Suuqyada kale ay ka jirto amaan daro balse hada uu ugu daran yahay Suuqa Bakaaraha.

” Waa Wax laga xumaado in Suuqii ugu weynaa Soomaaliya ee Bakaaraha ay ka bilowdaan falal amaan daro ah iyo dhac , Ciidamada amaanka ayaana looga fadhiyaa wax ka qabashada falalka amaanka lidiga ku ah ” ayuu yiri Ra’izul Wasaare Cabdi Wali.

Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa kusoo kordhay dhac nuuc cusub ah ay geesanayaan rag hubeesan oo gaadiid wata kuwaa oo xoog ku gala Xarumo ganacsi kadibna lacago badan halkaasi ka dhaca.

Hadalka Ra’izul Wasaaraha Soomaaliyaayaa imaanaya xili maalmihii ugu dambeeyay falal amana daro ay kusoo kordheen Magaalada Muqdisho , waxa uuna Ra’izul Wasaaraha ku amray Hay’adaha amniga in jawaab deg deg ka keenaan Falalka amaan daro ee Muqdisho kusoo kordhay.