Skip to content

Raysal Wasaaraha oo Maanta Baarlamaanka Ka Hadli Doona Iyo Amaanka Muqdisho oo La Adkeeyay

Raysal wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa saaka lagu wadaa inuu golaha baarlamaanka federaalka ah hadal ka jeediyo si uu u weysiisto in xildhibaanada ay codka kalsoonida siiyaan xukuumadiisa cusub ee ka kooban 55 xubnood.

Raysal wasaaraha ayaa marka uu baarlamaanka gaaro lagu wadaa inuu golaha xildhibaanada hordhigo barnaamijka xukuumadiisa cusub iyo liiska golaha wasiirada kuwaasoo shalay xilhibaanada qoraal ahaan loogu qeydiyey. Raysal wasaaraha ayaa sharaxaad ka bixin doona xukuumadda cusub iyo barnaamijka ay wadatao wuxuuna ka jawaabi doonaa su’aalo ay weydiin doonan xildhibaanada.

Xogheynta baarlamaanka ayaa sheegtay in kulanka maanta ee baarlamaanka yeelanayo uu sii socon doono illaa galabta si dooda ku saabsan xukuumada cusub ay u sii socoto, iyadoo maalinka berito ee Arbacadana cod loo qaadi doono xukuumadda cusub.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho guud ahaan iyadoo si gaar ah ciidamo boolis ah loogu arkayo wadada dheer ee Maka al Mukrama ee hor marta xarunta Golaha Shacabka, Madaxtooyada iyo xaafadaha ku teedsan.

Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo xildhibaanadu ka qabaan xukuumada cusub oo lafteedu u badan xildhibaano waxaana qaarkood ay dheegayaan in loo baahan yahay in dawlada cusub waqti la siiyo si ay u shaqeyso halka qaar kalana ay sheegayaan inaanay waxba ka duwaneyn xukuumadii hore.