Skip to content

Saacid Shirdoon oo ka hadlay in uu leeyahay Account Facebook oo lasoo galiyay Sawiro lagu weeraray Madaxweynaha

Storyline:Archive, Science & Tech

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa markii ugu horeysay waxaa uu iska fogeeyey lahaanshaha barta Facebook ee ku furan magaciisa ” Abdi Farax Shirdoon (Saacid)” kuna tilmaamay been abuur magaciisa lagu sameynayo.

Abdi Farax Shirdoon ( ayaa waxaa uu sheegay inuusan laheyn facebook-ga magaciisa wata oo dhawaan laga soo xigtay sawir lagu durayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kaasi oo ahaa mid laga soo qaaday maalin la aasayey dadkii ku geeriyooday weerarkii madaxtooyada balse uu madaxweynaha Xaflada Sanad guurada Ciidamadda Asluubta uu uga qeybgalay taaso ka dhacday magaalada Muqdisho. Iyaddoo uu sawirkaasi macno siyaasadeed badan laga fasiray markii lagu arkay barta facebook ee uu iminka beeninayo inuu iska leeyahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

” Aniga ma lihi wax Facebook ah waxaana jira dad magaceyga ilaa maalintii aan xilka Ra’iisul wasaare qabtay ilaa hadda oo anan xil dowladeyn heyn sameystay oo sida ay rabaan u isticmaalaya. Haddaba waxaan rabaa in aan shacabka oo dhan uga digo arrintaasi si aysan ugu qaldamin, oo aysan ugu qaadan in aan aniga ahay qofkaasi” ayuu ku yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Shirdoon.

Waxaa uu intaasi ku daray in ay soo gaareen maalin kasta fariiso sheegaya in bar magaciisa ku furan la soo dhigo sawiro iyo warbixino la huwinayo inuu isaga soo gudbinayo, taasi buu yiri ay dad badan u qaateen inuu isaga yahay. Gaar ahaan waxaa uu iska fogeeyey sawirkii dhawaan lagu baahiyey facebook ee Madaxweyne Xasan ku saabsanaa kaddibna ay warbaahinta soo xigteen kaasi oo fariimo badan ka helay.

” Sawirada la soo dhigay iyo warbixinada magaceyga lagu soo gudbiyo ee facebook waxaan sheegayaa in aanan aniga shaqo ku laheyn, waxaana ugu danbeeyey oo aan cadeynayaa sawirka la sheegayo in madaxweynaha laga soo gudbiyey isaga oo kulan ka qeybgalaya in aanan waxba kala socon” ayuu yiri Saacid oo ugu baaqay dadka magaciisa isticmaalaya inay arrintaasi ka waantoobaan.

” Walaalaha magaceyga sida qaladka ah u isticmaalaya waxaan ka codsanayaa inay i xushmeeyaan oo aysan been iga faafin,ummada kale iyo madaxdana ujeedooyin guracan oo ay ka leeyihiin u isticmaalin magaceyga.”

Dhinaca kale warbaahinta Soomaalida ayuu ka codsaday inaysan iska soo xigan baraha aysan xaqiijin karin cidda isticmaaleysa oo aysan qof aanba waxba ka ogeyn u saarin xumaan iyo ammaan meeshaasi lagu soo gudbiyo. Wixii isaga ay gaar wax uga weydiinayaana ay la soo xiriiri karaan.

” Waxkasta inay iska hubiyaan inta aysan baahin ayaa looga baahan yahay warbaahinta, maxaa yeelay cid xaqiijin karta ma leh magaca iyo sawir qof leeyahay oo ciddi isaga sameysato facebook kadibna wixii ay doonto ku faafiso. Sidaasi darteed waa in wixii aniga igu saabsan oo ay meelahaasi oo kale ku arkaan ila soo xiriiraan oo ay wax iga weydiiyaan inta aysan bulshada beentaasi gaarsiin.” ayuu yiri Saacid oo hadlayay.

Ugu danbeyntii Abdi Farax Shirdoon (Saacid) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybqaataan nabada iyo dib u dhiska dalkooda, islamarkaana u rajeeye y inay guul iyo midnimo ku gaaraan sanadka danbe.