Skip to content

Saraakiil iyo Ciidamo Mareykan ah oo la shaaciyay in ay joogaan Muqdisho lana ogaaday ujeedka ay Dalka u joogaan

Dowlada Mareykanka ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in Magaalada Muqdisho ka joogaan Saraakiil Ciidan oo tiro yar kuwaa oo loogu tala galay in ay gacan siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.

Saraakiil u hadashay Dowlada Mareykanka waxa ay tilmaameen in Saraakiisha Ciidan ee Soomaaliya ka jooga gaarayaan ilaa 5-Sargaal ayna soo gaareen Magaalada Muqdisho dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2013-ka.

Cor.Tom Deves afayeenka ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in saraakisha Maraykanka ee ay Soomaaliya soo galeen bishii October waxana shaqadoda si toos ah ay u bilaaben bishi December ee sanadii tagtay.

Saraakiisha Mareykanka ee kusugan Magaalada Muqdisho ayaa loogu tala galay in Dhinaca Milatariga kala taliyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada iyo sidoo kale dajinta qidad Al-Shabaab looga saaro Gobolada Dalka ay joogaan.

Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM labaduba kama aysan hadlin warkan ku aadan in Magaalada Muqdisho joogaan Ciidamo tiro yar oo katirsan Milatariga Mareykanka oo gacan ka geesanaya la Dagaalanka Al-Shabaab.

Marar Hore Warbaahinta gudaha iyo kuwa Dibada ayaa horey u baahiyay in Magaalada Muqdisho joogaan Saraakiil Mareykan ah iyo kuwa iyana kasocda Qaar kamid ah Dalalka Yurub kuwaa oo Magaalada ka hayay howlo ciidan iyo kuwa la xariira dhinaca sirdoonka.