Skip to content

Sarkaal Al Shabaab Ka Goostay oo Lagu Qabtay Deegaanka Xidhxidh Ee Gobolka Togdheer

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xidhxidh ee u dhow Widhwidh ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo ay wehlinayaan kuwa maamulka Somaliland ay halkaasi ka soo qabteen sarkaal ka soo goostay ururka Al Shabaab oo ka soo jeeda deegaanada Somaliland.

Sarkaalkaasi ayaa lagu magacaabaa C/laahi Maxamed Axmed Carabey, wuxuuna deegaankaasi gaaray dhowaan ka dib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay xubnaha sare ee ururka Al Shabaab kaasoo sababay in saraakiil sare oo kooxda hogaankeeda ka mid ahaa ay goostaan.

Carabey ayaa la aaminsan yahay inuu ka mid ahaa ragga sida weyn ugu dhow hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Cabdi Godane [oo magaciisa kalana yahay Mukhtaar Abu Zubeyr] kaasoo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Somaliland, hase yeeshee Carabey waxa uu ka mid ahaa saraakiisha uu khilaafka kala dhexeeyay Axmed Godane ee isaga cararay in la khaarajiyo.

Waxaanu wararku sheegayaan in Carabey uu u baxsaday dhinaca deegaankii uu ka soo jeeday ee gobolka Togdheer halkaasoo ay ka war heleen sirdoonka Ethiopia iyo kuwa Somaliland lagana qabtay labo maalin ka hor.

Ciidamada Ethiopia ayaa ninkan u kaxaystay dhinaca xuduudooda iyadoo ay kuwa Somaliland ka caawiyeen soo qabashadiisa, sida ay sheegeen ilo wareed ku sugan degmada Burco oo arrinkan ka warhayey.

Maamulka Somaliland ayaa horey heshiis iskaashi dhinaca amniga u la saxiixday sirdoonka Ethiopia kaasoo Somaliland ay ku ogolaatay in dadka ay doonayaan sirdoonka Ethiopia ee ku sugan deegaanada uu ka taliyo maamulka Somaliland loo fududeeyo soo qabashadooda.