Skip to content

-Shabaab oo toogatay Sadax Nin oo ay ku eedeeyeen in ay yihiin Jawaasiis (Aqriso Magacyada raga la toogtay)

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa Maalintii shalay goob fagaaro ah oo kutaala Magaalada Baraawe, Xarakada Al-Shabaab ku toogteen Sadax nin ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawaasiis la shaqeysa Sirdoonka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Maxkamada Al-Shabaab ayaa ku riday xukun dil ah sadaxdan nin ay ku eedeeyeen Al-Shabaab in siyaabo kala duwn ula shaqeenayeen Sirdoonka Dowlada Soomaaliya, ragan Al-Shabaab toogteen waxaa soo baxaya Warar sheegaya in qaarkood Shabaab ka tirsanaayeen.

Fagaaraha ragan lagu tooganayay waxaa isugu soo baxay shacab badan oo ku dhaqan Magaalada Baraawe , waxaa sidoo kale halkaasi joogay Saraakiil iyo Culumo katirsan Xarakada Al-Shabaab oo indhahooda ku fiirsanayay sida uu xukunka u dhacayay.

Aqriso Magacyadooda

1-Max’med Xassan Cali 28 sano jir waxa ay ku eedeyeen Shabaab inuu la shaqeynaye Hay’adda Sirdoonka Dowladda.

2-Maxamuud Faarax Sabriye shuuriye oo 47 sano jir isna waxa ay ku eedeyeen Shabaab la shaqeynta Hay’adda Sirdoonka Dowladda.

3-C/Najiib Shire Barre waxaa isna lagu eedeeyay jaajuusnimo.

Dhawaan ayey aheed markii sidan oo kale Magaalada Baraawe lagu toogtay sadax nin oo iyaguna lagu eedeeyay in ay jawaasiis u ahaayeen Sirdoonak Reer Galbeedka ,kan Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Puntiland