Skip to content

Shacabka gobolka Bakool oo ka barakacaya deegaannadooda

Storyline:Archive, Science & Tech

Deegaanno dhowr ah oo ay gacanka ku dhigeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa xilligaan la sheegay inay isaga barakacayan dadka shacabka ah ee ku nool.

Waxaa la sheegay in qeybo ka mid ah gobolka  inay shacabka ay qaxayaan kaddib markii deegaanadooda ay ku soo dhawaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya.

Wararka waxa ay sheegayaan in shacabka ay ka baqdin qabaan in ciidamadani ay waxyeelo u geystaan,qaar ka mid ah shacabka ayaa la sheegayaa in ay u qaxeen dhulka miyiga ah qaarna ay magaalooyinka waaweyn ee horay ugu jiray gacanta dowladda ay maciin bideen.

Saraakisha ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa xilligan baaq ugu diray dadka shacabka ah ee deegaannada ka qaxaya inay joojiyan qaxa oo ay ku nagaadan deegaannadooda,waxaana ay sheegen in la sugi doonno amniga dadka rayidka ah wax-dhibaata ahna loo geysan doonin.

Shacabka qaxa wada ayaa ka cabsi qaba inay dhibaato kala kulman ciidamada huwanta ah,balse waxaa arrinta ay ka yirahden ciidamadu inaysan dhici doonan wax dhib ah oo dadka shacabka ah loo geyto.

Dhinaca kale waxaa wali socda dhaqdhaqaaqi ciidan ee ay wadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ee is-garabsanaya waxaana la sheegay in deegaanno iyo tuuloyin inay gacanta kaga dhigeen Al-shabaab.

Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab,waxaa sannadkan bilowgiisa ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh,waxaana saraakisha ciidamada xilligan hoggaaminaya ay sheegen inay si buuxda ugu dhaqaaqi doonan amarka uu bixiyey madaxweynaha.