Skip to content

Sharci Cusub oo looga soo horjeedo in la Daweeyo dadka ku dhaawacma Rabshadaha oo laga hir galiyay Dalka Turkiga

Storyline:Science & Tech, World

Dowlada Turkiga ayaa soo saartay Sharci cusub oo mamnuucaya in Goobaha Caafimaadka ee Dalkaasi lagu daweeyo dadka kusoo dhaawacma Rabshadaha Sharci darada ah ee ka dhaca Magaalooyin dalkaasi ku yaala.

Sharciga cusub ayaa u diidaya in dhakhaatiirta ama shaqaalaha kale ee caafimaadku in ay gar-gaar u fidiyaan qof ku dhaawacmey mudaaharaadyada iyo Rabshadaha Dowlada looga soo horjeedo ee Dalkaasi ka dhaca.

Sharcigan Cusub ayaa aad uga careesiiyay Dhaqaatiirta iyo Shaqaalaha Caafimaadka Turkiga waxa ayna sheegeen in ay aad uga xun yihiin in aysan bad baadin karain nolosha qof u baahan daaweyn uuna ka hor istaagayo sharcigan lasoo saaray.

Dhaqaatiirta iyo Shaqaalaha Caagimaadka ee Dalka Turkiga ayaa hadii ay jabiyaan sharcigan waxa ay muteesan karaan Sadax sano oo xabsi ah iyo Ganaax lacageed oo ku dhaw 100 000USD.

Sharcigan adag ee looga soo horjeedo in daweeyo dadka Dibad baxyada Rabshadaha wata ka dhiga Dalka Turkiga waxaa saxiixay maalintii Jimacaha Madaxweynaha Dalkaasi Abdallah Gul .

Madaxa dhakhaatiirta arrimaha biniaadanimada (PHR) Vincent lacopino ayaa sheegay in Sharciga ay soo saartay Dowlada Turkiga yahay mid xun oo ka hor imaanaya sharci kale oo dhaqtarku dambi ku galayo hadii uusan Daaweyn qof daawo u baahan.

Sharcigan adag ee Dowlada Turkiga soo saartay ayaa looga gon leeyahay in lagu yareeyo Dibad baxyada Rabshadaha wata ee looga soo horjeedo Dowlada Dalkaasi , iyadoona sanadkii lasoo dhaafay dalkaasi ka dhaceen rabshado badan oo dhaliyay qasaarooyin kala duwan.