Skip to content

Shariif Xasan Sh. Aadan Oo Lagu Wado Inuu Noqdo Madaxweynaha Maamulka Laga Dhisayo Baydhabo iyo Sawirradiisa oo Meelo Badan Lagu Arkay

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka laga Helayo Shirka Ka Soconaya Hutel Bakiin oo lagu Dhisayo Maamul-Goboleed ka kooban Saddex Gobol, isla-markaana ay Dawladdu Taageersan tahay, ayaa sheegaya inuu Shariif xasan qarka u saaran yahay inuu Madaxweyne Noqdo.
shashaGuddoomiyihii horre ee baarlamaanka haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, ayaa la sheegay in uu ugu cad cad yahay musharrixiinta saddexda ah ee u taagan maamulka dhawaan la damacsan yahay in Halkaas laga Dhiso.
Qaar ka mid ah Dadka Deegaankaas ayaa sheegaya in Sawirrada Shariif Xasan lagu Xardhay Badhtamaha Magaalada, iyadoo ay Ku ag dhejisan yihiin kuwa Ragga kale ee Musharixiinta ahi.

Si kastaba labada shir ayaa hadda ku dhow gabagabo waxaana mid kasta uu sameystay laba calan iyo laba dastuur, waxaa kaloo shirka uu kala qaybiyay dadka ku dhaqan Baydhabo oo qoloba Taageersan tahay Mid gaar ah.

Shariif Xasan ayaa u ololeenaya in shirka ka socda Hotel Bakiin in lagu dhiso maamul ka kooban saddex gobal si loo badbaadiyo maamuulka KMG ah ee Jubba oo isna dhisan Kismaayo, balse kooxda kale eek a soo Horjeedda ayaa iyagu wata Qorshe Maamulka Juba loogu Darayo kooda.