Skip to content

Sheekh Bashiir Salaad: Al Shabaab Waxay Rabaan Inay Dadka Ka Xiraan Indhaha, Sanka Iyo Afka

Storyline:Archive, Science & Tech

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa kooxda ururka Al Shabaab ku eedeeyay inay dadka ka horjoogaan horumarka iyo dhaqaaqa.

Sheekh Bashiir oo ka hadlayey amarada Al Shabaab ka soo baxay ee ay ka xanibeen dhitkadaha internetka ayaa sheegay in ujeedka kooxda Al Shabaab aanu diinta shaqo ku lahayn balse uu ku saleysan yahay rabutaankooda gaarka ah.

“Runtii kooxdan waa koox dhunsan oo jidkii saxda ahaa ka leexday, waxaana ay hadda rabaan inaan dadka ka xiraan meel kasta oo ay xita dhahaan sanka kama neefsan kartaan, indhaha waxba kuma arki kartaan,” ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Bashiir ataa intaa ku daray inuuba ka cabsi qabio in marka dambe kooxda Al Shabaab ay dadka u diidaan qaadashada hawada lagu neefsado ee loo yaqaano “oxygen’.

Mar uu Sheekh Bashiir Axmed Salaad ka hadlay doorka culimada ee kaga aadan wacyigelinta dadka ayuu sheegay in culimada looga baahan yahay inay markasta qeyb qeyb ka qaataan sidii bulshada Soomaaliyeed loo siin lahaa faham buuxa oo la xiriira diinta iyo Islaanimada si aan waxyaabo badan loogu hoos gelin.

Hadalka guddoomiyaha culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku soo beegmay iyadoo amar ay soo saartay kooxda Al Shabaab ay ku joojiyeen internetka uu ka dhaqangalay magaalada Muqdisho maalinimadii Khamiista iyadoo shirkadda Hormuud oo ahayd shirkadda ugu weyn ee bixin jirtay adeegaasi ay hakisay hanjabaad uga timid Al Shabaab darteed.