Skip to content

Shir maamul loogu sameynayo gobollada Shabeellooyinka oo maanta Afgooye ka furmaya

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa maanta lugu wadda inuu ka furmo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, shir la sheegay in lugu dhisayo maamul,waxaana maamulkaasi yeellan doonna gobollada Shabeellooyinka.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhaxe Muxiyidiin Xassan Afrax,ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in shirkas ay isgu imaan doonan ergo siddeed boqol kor u dhaafaysa kuwaaso ka socota labada gobol ee Shabeelloyinka.

Muxiyidiin Xassan Afrax,waxaa uu soo hadal qaaday in maamulka ay doonayan usan wax saameyn ah ku yeellan doonin maamulada lugu doonayo in lugu dhiso Baydhabo,waxaana uu inta ku daray in cid waliba ay deegaannadeeda ay maamul u sameynsan karaan hase ahaatee in dastuurka uusan qoreynin in qof waliba meesha uu doono uu maamul u sameeyo.

“Maanta waxaa furmaya shirka maamul usameynta gobollada Shabeelloyinka,waxaana ka soo qeyb-galaysa ergo gaaraysa ilaa 80-tan kuwaaso isgu jirta odayaal ka imaanaysa labada gobol iyo mas’uuliyin kale,waxaan idin xaqiijinaya inusan shirkan wax saameyn ah ku yeellan doonin shirarka Baydhabo ka socda waayo annagu waxba kuma aanan darsan,”ayuu yiri Afrax guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka maamul usameynta gobollada Shabeelloyinka.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday Muxiyidiin Xassan Afrax,in shirka maanta furmaya ee ay ergadu isgu imaan doonto lagu ansixin doonno dastuur ay soo gudbiyeen guddiga maamul u sameynta labada gobol ee Shaabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe kaasi oo la doonayo in ergooyink aya ku ansixiyaan halkaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli magaalada Baydhabo shirar ka socda lugu sheegay in maamulada la dhisayo ay qeyb ka noqon doonan gobollada Shabeelloyinka balse xilligaan waa arrinta buranaya shirka ka furmaya Afgooye.