Skip to content

Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ee Bixiya Adeega Internetka oo heesato laba daran mid dooro.

Storyline:Archive, Science & Tech

Shirkadaha Isgaarsiinta ee Dalka gaar ahaan kuwooda bixiya adeega Internetka ayaa wajahaya Culeesyo badan oo kaga imaanaya dhinaca Kooxda Al-Shabaab iyo Waliba Dowlada Soomaaliya.

Xarakada Al-Shabaab ayaa ku amartay Shirakadaha Dalka ee bixiya adeega Mobile Internet iyo Fiber Optic in ay ku joojiyaan adeegaasi mudo la siman ilaa 15-maalin hadii ay amarkaasi fulin waayana ugu hanjabtay in ay tilaabo Shareecada waafaqsan ka qaadayaan.

Dhinaca kale Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda war kasoo saartay amarka AL-Shabaab waxa ayna Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ee bixiya Adeega Internetka Moobeelka Dowlada uga digtay qaadashada amarka Al-Shabaab ee ah in la joojiyo adeega Internetka.

Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ee Bixiya Adeega Internetka ayaa hada waxaa heesta laba daran mid dooro iyadoona amarka Al-Shabaab kusoo rogeen Shirkadaha ay tahay mid aan la dhayalsan karin hadii aan xal kale la helin, waxaa sidoo kale Shirkadaha ku adkaanto in ay qaataan amarka Shabaab iyadoona taa badalkeeda hadana dhib kala kulmaya dhinaca Dowlada.

Dadka arimahan sida aadka ah u falanqeeya ayaa iyagu ku waamaya in Xalka kaliya ee adeegsan karaan Shirkadaha hada lagu dhagan yahay ay tahay in ay adeegsadaan lacag fara badan ay kaga bad baadi karaan labada amar ee madaxooda saaran.

Waxaa dad badan ay isha ku hayaan sida xaalka ku dambeyn doono hadii ay dhamaato 15-ka maalin ee Al-Shabaab u qabteen Shirakadaha Isgaarsiinta ee bixiya Adeega Interka Moobeelada laga isticmaalo.