Skip to content

Soomaalidu Ma leeyihiin Dumar Waxgarad ah oo xiligan badbaadin kara dalkan ? !!!

Storyline:Archive, Science & Tech

Sidaan ku sheegay Maqaalkii hore ee aan Cinwaanka uga dhigay Soomaalidu ma leeyihiin dad Waxgarad oo badbadiya,Kaas oo aan kula hadlaayey Shacab weynaha Soomaaliyeed Anigoo weydiinayey Su’aal ah Dadkan ma lahan miyaa dad Waxgarad ah oo u istaaga sidii ay u badbaadin lahaayeen Umaddan qarka u saaran in ay baaba’do ?

Waxaan Maqaalkaas ku soo bandhigay Fikrad oroneysa in la dhiso Guddi ka kooban Culimo,Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin u istaaga in ay kala dhexgalaan dhinacyadan isku dilayo Koonfurta Wadanka sida Dowladda Federaalka iyo Xarakada Al-shabab ka dib u gudba qeybaha kale ee Wadanka sida Somaliland oo Iyagana wax badan tabanayo.

Fikraddan aan soo jeediyey ayaa oroneysa in aan Anaga Soomaali ahaan ah isku tashano sidoo kalena aan xalino dhibaatadeena maadaama aysan jirin cid na rabta oo naga naxaysa haday ahaan lahayn kuwii aan Muslimka isku ahayn iyo Carabtii dadka noogu xigtay,Waxaana tusaale u ahaa Kumanaankii Kun ee laga soo tarxiilay Sacuudiga,Kuwaas oo ay ku jireen Gabdha Sagaal Bilood ah.

Waxa aan filaayey in dad badani ay taageeri doonaan Fikraddaasi maadaama ay dagaaladu nagu dabadheeraadeen,Sidoo kalena ay dadkeena ku rafaadsan yihiin meel kasta oo Dunida ka mid ah laakiin dad yar ayaa ii soo jawaabay, Waxa ayna dadkaasi u qeybsameen dad yiri waa fikrad fiican in dadka Soomaalidu isku tashtaan iyo dad Aniga igu qoslay.

Laakiin dhinaca kale waxaa jirtay Gabar Soomaaliyeed oo ii soo jeedisay in aan baaqeyga ku wajaho Dumarka Soomaaliyeed halkii aan Waqti ku dhumin lahaa Rag la moodyada isu haysta in ay Sharaf leeyihiin,Kuwaas oo Shaqa ka dhigtay In ay dhibaatada ka taxliiliyaan Warbaahinta halkii ay Xal raadin lahaayeen.

Markaan fiiriyey dhibaatada haysata dadka Soomaalida ee ku nool Jamhuuriyadda inta ay gaarsiisan tahay haday ahaan lahayd dagaalo sokeeyo,cuduro,gaajo,waxbarasho xumo,noolal xumo,barakac joogta ah iyo tuugsi aan laga xishooneynin,kaasoo noqday qeyb ka mid ah noolasha.

Waxaan aad ula yaabanahay sida ay dadkani ahaan jireen iyo sida ay Maanta yihiin dhibaato yar haday dhacdo waxaa lagu ordayaa Beesha Caalamka,Ayax baa meel ku dagay Beesha Caalamka,Abaarbaa dhacday Beesha Caalamka,Roobab iyo Duufaanaa dhacay Beesha Caalamka,Barakac iyo qax Beesha Caalamka,Wax kasta Beesha Caalamka yaab badanaa.

Kuwii dibadda u qaxay waxaa haysta dhibaatooyin aan xisaab lahayn haday ahaan lahayd dhaqan gadoon,Luuqad gadoon iyo waliba diin gadoon,Waxaana kugu filan oo kaliya inaad booqato YOUTUBE-ka sida aad u aragto halka ay Soomaali marayso Maanta Ilaahayow ceebteena astur.

Dhibaatooyinkii aan ka soo sheekeeyey iyo kuwa badan oo aanan sheegin waxa ay socdeen dhowr iyo 20-kii Sano, Walina waa ay socdaan gaar ahaan Koonfurta oo aad hadda mooddo in ay bilaaban rabaan dagaaladii Beelaha haddanan Maanta laga hortagin laakiin dhinca kale waxaa jira deegaano degan sida Somaliland iyo Puntland.

Waxaas oo dhib oo aan ka soo sheekeynay nasiib daro waa la waayey Rag Soomaali ah oo wax ka qabta, Waxaana xal la mooday in Warbaahinta laga taxliiiyo dhibaatada xalkana laga sugo Shisheeyaha, Haday ahaan lahayd UN,African Union,Igad iyo Dowlado African ah oo xitta dalalkoodi xasilin waayey sida Uganda,Sira Leone iyo Brundi.

Hadaba haddii la waayey Rag wax garanaya oo u istaagga sidii loo joojin lahaa dhiigaan daadanayo Maalin kasta iyo Sharaf xumadan haysta dadka Soomaaliyeed,Ma loo baahan yahay Dumar Soomaaliyeed oo qaata dowrkii looga baahnaa Ragga oo u istaagga sidii loo joojin lahaa dagaaladan baabi’yey dhalinyartii Soomaaliyeed ? Haa waa loo baahan yahay.

Hadaba haddii ay dhibayso Dumarka Soomaaliyeed dhibaatadan ka jira dalkan nasiibka daran waa in ay u istaagaan sidii la isugu keeeni lahaa dhinacyadan is dilayo sida Dowladda Federaalka iyo Xarakada Al-shabab Iyagoo u marayo wadda kasta oo macquul ah.Haddii ay jiraan Dumar Soomaaliyeed oo ka naxayo Caruuraha iyo Hooyooyinka ku dhibaateysan gudaha iyo dibaddaba waa in ay bilaabaan olole nabadeed.

Hadaba waxa aan u soo jeedinayaa Dumarka Soomaaliyeed Talooyin dhowr ah.

1-In ay Shir isugu yimaadaan ka dibna ay sameeyaan Guddi ballaaran oo u ittaagga nabad raadin.

2-In ay u tagaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka una sheegaan in uu jaanis siiyo in ay Soomaalidu wadahadasho.

3-In ay baaq hawada u mariyaan Hogaanka Xarakada Al-shabab kana codsadaan in ay dagaalada Joojiyaan si loo wadahadlo.

4-in ay dhigaan Mudaaharaadyo ballaaran oo lagu codsanayo in la joojiyo dagaalada sokeeyo.

Haddii la xalin waayo dhibaatada ka jirta dalkan oo ay Soomaalidu heshiin weydo Waqtiga ugu dhow, Qof walba ha ogaado in ay jiraan qorshayaal badan oo Caalamka meel u yaallo, qaar bandanna waxaaba sheegay Xildhibaankii Maalin dhexdaasi ka hadlaayey Nairobi Walle waa la idin gumeysan.

Laakiin dhinaca kale waxaa jira dad aaminsan in lagu socdo waddo sax ah oo uu Caalamku nala shaqeynayo sida Dowladaha Dariska oo kale laakiin kuwaasi waxaan leeyahay waa riyooneysaa ee hurdada ka kaca.