Skip to content

Suldaan Caan ah oo maanta lagu dilay Kismaayo iyo Dilkiisa oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen Maamulka Jubba

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta barqadii Magaaladaasi Kooxo Hubeesan ku dileen Suldaan caan ah oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Kismaayo.

Rag hubeesan ayaa la sheegay in ay dileen Suldaanka Beesha Shiikhaal Suldaan Caamir Cabdi Raxmaan Cabdi Dhuux, xili uu hor fadhiyay goob mehrad ah oo kutaala Magaalada Kismaayo , Kooxihii hubeesnaa ayaana la sheegay in durba goobta ka baxsadeen.

Suldaan Cabdi Rsahiid Sheekh Xuseen Gaaf ayaa Warbaahina u xaqiijiyay Dilka Suldaanka Beesha Sheekhaal, waxa uuna dilkaasi ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Ciidamo katirsan Maamulka KMG ee Jubba.

Maamulka KMG ee Jubba ayana wali ka hadlin Dilka loo geestay Suldaan Caamir Cabdi Raxmaan oo la sheegay in uu si weyn uga soo horjeeday Maamulka ka taliya Magaalada Kismaayo uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Inta badan Dilalka qorsheesan ee ka dhaca Magaalada Kismaayo ayaa lagu eedeeyaa in ay ka dambeeyaan Maamulka KMG ee Jubba , waxa ayna saraakiisha Maamulkaasi dhankooda beeniyay in ay ku lug leeyihiin dilalka ka dhaca magaaladasai waxa ayna dhakooda ku eedeeyaan Al-Shabaab.