Skip to content

Taliska AMISOM oo wax kama jiraan Ku tilmaamay hadal dhawaan kasoo yeeray Dowlada Sierra Leon

Storyline:Archive, Science & Tech

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumud ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawaan kasoo yeeray Dowlada Sierra Leon ay ciidamo AMISOM katirsan ka joogaan Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowlada Sierra Leon, kaa oo sheegay in Ciidamada ay Dowladiisa ku biirisay Howlgalka AMISOM ay qaataan mushaar ka yar kan Ciidanka AMISOM ee wadamada kale kasocda.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Sierra Leon, ayaa sheegay in Ciidankooda Soomaaliya jooga ay mushaar ahaan u qaataan lacag gaareysa 728 doolar , halka AMISOM ciidankeeda kale ay qaataan 1,028 marka laga reebo ciidanka Jabuuti sida uu Wasiirku tilmaamay.

Dowlada Sierra Leon waxaa Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ka jooga Boqolaal askari oo katirsan Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.