Skip to content

Tarsan oo Maanta Bannaanka Soo Dhigay Fadeexad uu Mudo Qarinayey oo La Xiriirta Hanti Ka Maqan Dawlada!!!

Storyline:Archive, Science & Tech

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee maanta xilka wareejinayo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa banaanka soo dhigay hadal uu sheegay inuu mudo dheer qarinayey uuna maanta go’aansaday inuu cadeeyo dadweynahana u sheego.

Tarsan oo ka hadlay munaasabad uu xilka ku wareejinayo oo waqtigan ka socota xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in gaadiid ambalaas ah oo casri oo deeq ahayd illaa hadda la waayey meel ay mareen ka dib markii lagu wareejiyey dawladii raysal wasaarihii hore Saacid Shirdoon.

“Waxaan cadeynayaa in gaadiid ambalaas ahaa oo nooca casriga ah ee weliba leh qalabka aysan rasaastu karin [bulley proof] inaan ku wareejiyey wasiirkii hore arrimaha gudaha ee xilligii xukuumadii Saacid, illaa hadana meel ay ka bexeen lama hayo.’ ayuu yiri Tarsan oo hadlayey.

Tarsan ayaa intaa ku daray in gaadiidkaasi ambalaasta ah ay ugu talagaleen in labadii degmo ee Muqdisho ay hal ambalaas isla wadaagaan taasoo ka dhigan in ku dhow 8 gaadiid.

“Waxaan iri markii aan wareejinayey weliba iyagoo meel iska yaala aya luguhu ka dhamaan doonaan ama lama arki doono meel ay mareen, wayna dhacday hadda, dadkiina looguma adeegin anaguna waa nalaga wareejiyey.” ayuu sii raaciyey guddoomiyihii hore ee gobiolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo sheegay in gaadiidka ambalaaska loogu talagalay in haweenka dhalaya iyo dadka dhaawacyada qaba loogu qaado isbitaalada laguna siiyo gurmad caafimaad oo deg deg ah ka hor inta aan la geyn isbitaalada.

Sida muuqata waqtiga uu ka hadlayo guddoomiye Tarsan waxaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga isku ahaa C/kariin Xuseen Guuleed oo haatana ah wasiirka amniga qaranka ee xukuumadda Raysal Wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Sida uu sheegay Tarsan, waxaa baabuurta ambalaaska ee casriga ah la wareegay wasaaradii uu madaxda ka ahaa C/kariin Xuseen Guuleed, mana jirto wax jawaab ah oo ka soo baxday C/kariin Guuleed maadaama warka Tarsan uu ku qarxiyey arrinkan ay maanta uun soo baxday.

Waxa la sugaaba waa waxa uu Wasiirka C/kariin Guuleed kaga jawaabo eedeynta loo jeediyey wasaaradii uu masuulka ka ahaa.