Skip to content

Uhuru Kenyatta oo weerar afka ku qaaday Masjidyada Muslimiinta iyo kuwa kale ee lagu cibaadeysto

Storyline:Science & Tech, World

Uhuru Kenyatta ayaa hadalkan jeediyay kadib markii masjidka Musa ee magaalada Mombassa ay kasoo cusboonaadeen isku dhacyada u dhaxeeya ciidamada Booliska iyo dadka ku cibaadeysta.

“Si kasta oo ay ahaataba, ma oggolaan doonno in goobaha cibaadada loo adeegsado in wax lagu marin habaabiyo, ha ahaado masjid ay Muslimiintu leeyihiin, macbad Hinduusi ah ama kaniisadaha masiixiga..” ayuu yiri Uhurru Kenyata.

Uhuru Kenyatta ayaa soo hadal qaaday welwelka ay Kenya ka qabto kororka xag-jirnimda iyo weerarrada argagixisada, wixii ka dambeeyey bishii September ee sannadkii hore, markaas oo la wareeray xaruntii laga dukaameysan jirey ee Westgate Mall.

Sirdoonka dalka Kenya ee NSIS ayaa soo jeediyey in gebi ahaanba la xiro Masjidka Musa oo sida ay tilmaameen xarun u ah kooxo xiriir dhow la leh Ururka Al-shabaab, islamarkaana lagu tababaro dadka weerarrada ka geysta gudaha Kenya.

Muslimiinta Kenya iyo Hoggaamiyeyaasha Diinta Islaamka ee dalka Kenya ayaa hadalkan ka xumaaday, iyadoo ay sheegeen in arintan ay keeni karto kala fogaansho hor leh.

Maalmo ka hor ayaa ciidamada ammaanka ee Kenya ay si xoog ah ku galeen Masjikda Muusa, oo ku yaalla magaalada Mombasa, halkaas oo sida ay saraakiisha ammaanku sheegeen tababbaro dhinaca xag-jirnimada ah lagu siinayey dhallinyaro badan.