Skip to content

Wafdiga Dowlada uga qeyb galaya Wadahadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliand oo Maanta Muqdisho ka dhoofay

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofay Wafdi Dowlada Soomaaliya uga qeyb galaya Wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ee ka furmaya Dalka Turkiga.

Wafdiga Dowlada u matalaya Wadahadalada Turkiga la filayo in maalinta berito ah ka furmaan waxaa hogaaminaya Sii hayaha Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaan Cabdi Samad Macalin Maxamuud oo kamid ah Xubnaha Dowlada Soomaaliya u matalaya Wada hadalada oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo wanaagsan kasoo baxayaan Wadahadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ee maalinta Berito ah ka furmaya Turkiga.

Xubno uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Maamulka Somalland oo iyana ka qeyb galaya Wadahadalka ayaa gaaray Dalka Turkiga ,labada dhinac ee wada hadlaya ayaana rajo wanaagsan ka muuninaya in wax wanaagsan kasoo baxaan wadahadalada beri u furmaya mar kale.

Dad badan oo Siyaasada wax kala socda ayaa qaba in natiijo sidaa u weyn uusan kasoo baxeyn wadahadalada labada dhinac mar kale yeelanayaan waxa ayna u sababeeyeen in qolo walba ay ku dhagan tahay mowqif adag .