Skip to content

War Deg Deg Ah Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo noqday Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Puntiland

War Deg Deg Ah Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo noqday Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Puntiland
Waxaa hada soo dhamaatay Wareegii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Puntiland oo ay isugu soo hareen Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Cabdi Wali Maxamed Gaas.
Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku guuleestay Doorashada Madaxtinimo ee Puntiland isagoona hal Cod kaliya ka sara maray Musharixii la tartamayay ee Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Musharax Cabdi Wali Gaas Gaas ayaa helay Codad gaaraya ilaa 33-Cod halka Faroole uu helay Codad gaaraya ilaa32-cod waxaana sidaasi Madxaweyne ku Noqday Cabdi Wali Gaas.
Cabdi Wali Gaas ayaa Hogaamin doona Maamulka Puntiland 5-ta Sano ee Soo socota iyadoona Cabdi Raxmaan Faroole oo mudo shan sano hayay Maamulka Puntiland ku guul dareestay in uu Puntiland sii hogaamiyo.