Skip to content

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Dhiig badan ku daatay xalay ka dhacay Degmada Mahaday iyo Meydad la Gowracay oo saakay la arkay

Wararka ka imaanaya Degmada Mahaday ee Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay Dagaal aad u culus oo u dhaxeeyay Dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ahaa mid qorsheesan oo Al-Shabaab ku qaadeen Degmada Mahadaay waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal aad u culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoona mudo kadib Al-Shabaab la wareegeen inta badan Degmadaasi.

ku dhawaad 10-qof oo isugu jira Dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkii cuslaa ee xalay ka dhacay Degmada Mahadaay ,lamana hayo tirada rasmiga ah dhaawacyada ka dhashay dagaalkaasi.

Meydadka Askar katirsan Ciidanka Dowlada ayaa saakay lagu arkay qaar kamid ah Wadooyinka Degmada Mahaday , Ciidamada Dhintay qaarkood ayaa la sheegay in qoortalaga jaray.

Wararka laga helayo Degmada Mahaday ayaa sheegaya in dagaalkii xalay lagu gubay gaadiid dagaal iyo kuwa kale iyadoo sidoo kale lasoo sheegayo in ay jiraan Gaadiid kale oo Al-Shabaab gacanta ku dhigeen ,Al-Shabaab ayaa sidoo kale rartay saanad milatari iyo Raashin ay lahaayeen Ciidanka Dowlada.

Ciidamadii Al-Shabaab ee xalay qabsaday Degmada Mahaday ayaa saakay aroor hore halkaasi isaga baxay kadib markii Ciidamada AMISOM ay u gurmadeen ciidamadii Dowlada ee lagu weeraray Degmada Mahadaay.

Xaalada ayaa saakay ah mid dagan , dadka ayaana ku mashquulsan aasida dadkii xalay ku dhintay dagaalkii ka dhacay Degmada Mahadaay , Dagaalka xalay ayaana lagu soo waramayaa in uu ahaa mid kamid ah kuwii ugu cuslaa oo ka dhaca Degmadaasi.

Ma jiro wali wax faah faahin ah oo ku aadan dagaalkii xalay iyo qasaaraha ka dhashay oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Milatariga iyo Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe ,Al-Shabaab ayaa sidoo kale wali wax war ah aan kasoo saarin dagaalkaasi.