Skip to content

Wararkii ugu dambeeyay ee Xaaladda deeganadii shalay lagu dagaallamay ee gobolka Bari.

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanadii shalay lagu dagaallamay ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan inay dagantahay, iyadoo Ciidamada Maamulka Puntland ay dib ugu laabteen magaalada Boosaaso.

Deegaannada Galgala iyo Sugurre ee gobolka Bari ayaa maalintii shalay waxaa ka dhacay dagaallo culus, kadib markii Ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo deegaanadaas ku sugnaa.

Tan iyo shalay waxaan isku daynay inaan xiriiro la sameyno dad ku sugan deegaannnada lagu dagaallamay, hase yeeshee isgaarsiinta deegaanka oo aad u liidata aawgeed nooma suura gelin inaan dadka deegaanka la hadalno.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo shalay Warbaahinta kula halday magaalada Boosaaso ayaa xaqiijiyay in Ciidankooda uu khasaare kasoo gaaray dagaalka, wuxuuna qirtay dhimashada hal Askari.

Dhinaca kale weli wax war ah lagama hayo Taliska Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo ku aadan faah faahinta dagaalladii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaannada Galgala iyo Sugurre ee duleedka magaalada Boosaaso.