Skip to content

Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxyo qasaaro xoogan geestay oo xalay ruxay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi

Storyline:Archive, Science & Tech

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay in kabadan 20-qof oo kalana wey ku dhaawacmeen qaraxyo xalay lagu weeraray Goobo maqaayado ah oo kuyaala Xaafada Soomaalidu ku badan tahay Islii ee Magaalada Nairobi .

Isbitaalada kuyaala Magaalada Nairobi ayaa lagu daweenayaa dadkii ay dhaawacyada kasoo gaareen qaraxyadii xalay ka dhacay Xaafada Islii , waxaana lagu soo waramayaa qaar kamid ah dadka dhaawacyada qaba in xaaladooda ay liidato.

Taliyaha Booliska magaalada Nairobi Bensoun Kibue ayaa sheegay in qaraxyada xalay ka dhacay Xaafada Islii ay ku dhinteen ilaa6-qof ,waxa uuna tilmaamay in mid kamid ah qaraxyadaasi uu geestay qasaaraha ugu badan ee dadka rayidka ah kasoo gaaray.

Waxa uuna xusay taliyaha in lagu daba jiro Kooxihii ka dambeeyay qaraxyadii xalay ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi, lana horkeeni doono sharciga sida ugu dhaqsaha badan.

Wali lama hayo cid sheegatay Masuuliyada qaraxyada xalay ka dhacay Xaafada Islii , Dowlada Kenya ayaana ku tuhmaysaa weerarkaasi inay ka dambeeyaan Kooxo xariir la leh Al-Shabaab inkastoo aysan si cad u sheegin.

Soomaalida kunool Xaafada Islii ee Magaalada Niarobi ayaa manta aad u wal walsan kuwaa oo ka cabsi qaba in ciidamo badan lagu soo daadiyo xaafdaaasi, kana xir xiraan dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaas kunool oo intooda badan aysan sharciyo heesan.