Skip to content

Wasiir katirsan Xukuumada KMG ee Dalka Liibiya oo toogasho lagu dilay

Storyline:Science & Tech, World

Wararka ka imaanaya Dalka Liibiya ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Xukuumadda KMG ee Libya Hassan Al-Droui.

Kooxo Hubeesan oon wali la aqoonsan ayaa toogtay Wasiirka xilli uu booqanayay magaalada uu kasoo jeedo ee Sirte oo Bari ka xigta magaalada caasimada ee Tripoli.

Kooxaha Hubeesan ayaa rasaas Xoogan ku furay Wasiirka xili uu kusugnaa Magaalada Sirta , Goob joogayaal ayaa ku waramay in Kooxihii weerarka ka dambeeyay durbo ay goobta ka baxsadeen.

Hassan Al-Droui ayaa noqonaya Wasiirkii ugu horeeyay oo katirsan Xukuumada KMG ah ee Dalka Liibiya oo la dilo ,waxa ayna arintaan imaanaysa Xili Dalka Liibiya ay ka dhacayaan Dagaalo u dhaxeeya Qabaa’ilo.

Tan iyo markii Xukunka xoog looga tuuray Hogaamiyihii la Dilay ee Col.Gaddafi ayaa dalka Liibiya waxa uu galay xaalado adag ,iyadoona ay dalkaasi ka jiraan Dagaalo ku saleesan qabiil iyo sidoo kale Maleeshiyaad hubeesan oo Dagaalo kawada Dalkaasi.